Wasaarada Caafimaadka oo hakisay canshuur ay soo rogtay kadib buuq ka dhashay
Feb 03(Jowhar)Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa hakisay lacago ay kusoo rogtay in qof walba oo dalka ka dhoofaya uu qaato Buug caafimaad oo ay ku jiraan tallaalada socdaalka ee Duumada, Dabaysha iyo Qaaxada Maskaxda; iyada oo sida oo kale laga rabay dadka dalka imanaya.
Qoraal kasoo baxay wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji ayuu ku amray in la hakiyo lacagaja oo dhalisay in Boqolaal qof oo saaka u dhoofayey dalal kala duwan la kulmeen hakad, walow mar danbe la xalliyey.
“Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Dr. Ali Haji Adam, oo ka jawaabaya dareenka dadweynaha ay ka muujiyeen hannaanka shaqo ee xafiiska Caafimaadka dekedaha iyo garoomada ee la xiriira qaadashada Tallaaladii horay loo baahiyey, waxa uu go’aansadey in la hakiyo waajib ahaanshaha Tallaaladaasi inta laga dhameystirayo habraaca hirgelinta qaadashada Shahaadada yellow Fever iyo qaadashada Tallaalada lagama maarmaanka u ah Musaafuriinta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warka Wasiirka
Si kastaba, qof kasta marka uu qaadanayo tallaalada socdaalka laga rabo lacag dhan $45, qofka hore u qaatayna waxa ay wasaaraddu ka rabtaa $30, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka saaka la kulmay hakadka.