Wasaarada Maaliyadda oo soo saartay amar la xiriira bixinta canshuurta iibka

Aug 15(Jowhar)-Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta soo saartay wars axaafadeed ay ku wargelisay dhamaan ganacsiyadda kala gedisan in laga bilaabo taariikhdu marka ay tahay 18-ka Agoosto, 2024 ay qaan-sheegad kasta oo ay macaamiishoodu alaab ku gadanayaan ay ku daraan 5% oo ah qiimaha canshuurta gadida.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in “Wasaaradda ay dhawaan ku dhawaaqday casriyeynta hanaanka qaadista canshuurta gadida (Sales tax), oo ah canshuur dadban oo ay bixinayaan dadka iibsanaya badeecaddaha iyo adeegyada.”

Canshuurtan ayaa ahayd mid ay ganacsatu dowladda u qaadaan kadibna u shubaan waqtiga ay bixinayaan canshuuraha kale ee ku waajibay ganacsiyadooda.

HALKAN KA AQRISO QORAALKA KA SOO BAXAY WASAARADA MAALIYADDA

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More