Wasiir Biixi oo shir looga hadlayo Sare u qaadidda dakhliga gudaha ka furay Muqdisho
Nov 27 ( Jowhar)Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdishu si rasmi uga furay shir heerkiisu sareeyo oo lagaga arrinsanayo qorshaha gaaritaanka Heshiis Bulsho iyo Sare u qaadidda dakhliga gudaha oo Dowladda Soomaaliya ay hadda qorsheynayo in la gaarsiiyo heer looga maarmi karo kaalmooyinka dibadda.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, qaar ka mid ah xubnaha Maaliyadda Dowlad-Goboleed yada, masuuliyiin kale oo ka socda Bangiga Adduunka, Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha Maaliyadda, Xafiiska arrimaha Bani’aadanimada ee Qaramada Midoobay iyo xubno matalayay Ururada Bulshada Rayidka, qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.
Mudane Biixi Imaan Cige, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo furitaan khudbad ka jeediyay kulanka ayaa xaqiijiyay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, sare uqaadidda dakhliga gudaha iyo dhameystirka wada-xaajiodka Deyn Cafinta Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale xusay sida ay muhiim u tahay in dakhliga gudaha ay Dowladda kor u qaado si loo gaaro horumar dhaqaale oo qeyb ka ah adeegga bulshada.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa doodo muhiim ah iyo su’aalo ku saabsan Casriyeynta, sare u qaadidda, iyo horumarinta dakhliga iyo Cashuuraha oo laga weydiinayay madaxdii ka soo qeyb gashay shirka.Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdishu si rasmi uga furay shir heerkiisu sareeyo oo lagaga arrinsanayo qorshaha gaariraanka Heshiis Bulsho iyo Sare u qaadidda dakhliga gudaha oo Dowladda Soomaaliya ay hadda qorsheynayo in la gaarsiiyo heer looga maarmi karo kaalmooyinka dibadda.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, qaar ka mid ah xubnaha Maaliyadda Dowlad-Goboleed yada, masuuliyiin kale oo ka socda Bangiga Adduunka, Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha Maaliyadda, Xafiiska arrimaha Bani’aadanimada ee Qaramada Midoobay iyo xubno matalayay Ururada Bulshada Rayidka, qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.
Mudane Biixi Imaan Cige, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo furitaan khudbad ka jeediyay kulanka ayaa xaqiijiyay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, sare uqaadidda dakhliga gudaha iyo dhameystirka wada-xaajiodka Deyn Cafinta Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale xusay sida ay muhiim u tahay in dakhliga gudaha ay Dowladda kor u qaado si loo gaaro horumar dhaqaale oo qeyb ka ah adeegga bulshada.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa doodo muhiim ah iyo su’aalo ku saabsan Casriyeynta, sare u qaadidda, iyo horumarinta dakhliga iyo Cashuuraha oo laga weydiinayay madaxdii ka soo qeyb gashay shirka.