Wasiir Fiqi oo si kulul uga hadlay maamuuskii Imaaraatka Carabta ay u sameeyeen madaxweynaha Somaliland

Feb 24(Jowhar)Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa wareysi uu siiyay VOA ku sheegay in safarkii uu Madaxweynaha Somaliland ku tagay Imaaraadka Carabta uu la mid yahay safarada Madaxda Dowlad Goboleedyada oo kale, isla markaana Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyay sida uu yahay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayuu xusay in xiriirkooda uu hadda fiican yahay oo aanu xumeyn.

Waxyaabaha qaarkood ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay hadda tallaabooyin ka qaadi doonto, oo ah in aanay ogoleyn faragelin iyo kala qeybin, ayna jiraan dowlado dhowr ah oo gacmahooda si taban ugula jira madax bannaanida dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More