Wasiir hore uga tirsanaa Hirshabelle oo lagu dilay magaalada Muqdisho

July. 24 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho loogu geystay Wasiirkii hore ee Beeraha iyo Waraabka maamulka Hirshabeelle Xasan Axmed Muudeey.

Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa qeybaha sare ee jirka ka toogatay marxuumka, xili uu shalay gelinkii danbe kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday salaadii casir, isagoo kusii jeeday hoygiisa.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Marxuumka uu xilka Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle soo qabtay xiligii uu maamulkaas madaxweynaha ka ahaa Dr. Maxamed Cabdi Waare, waxaana masuuliyada dilkiisa sheegatay kooxda Al-shabaab.

Ciidamada amaanka ee degmada Yaaqshid ayaa sameeyay howlgalo ay ku doonayeen iney kusoo qabtaan kooxihii dilkaasi ka danbeeyay, isku daygaasi ayaa guul dareystay.

Si kastaba, dilka Wasiirkan horey uga tirsanaa maamulka Hirshabelle loogu geystay Muqdisho ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmo kooban ka hor lagu dilay degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo Maaliyada degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More