Wasiir ka tirsan xukuumadda Xamse oo isu casilay khilaafka DF ee Jubaland iyo Puntland

Nov 03  (Jowhar)-Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Wasiiru Dowlihii wasaaradda Qorsheynta xukuumada Soomaaliya C/rashiid Jire uu iska casilay xilkiisa.

Qoraal uu soo saaray waxa uu ku cadeeyay in is casilaadiisa uu u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Sababaha iscasilaadi ayuu ku sheegay iney qeyb ka tahay dagaalka dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan ay ku heyso maamylada Jubaland, Puntland iyo SSC Khaatumo.

Waxa uu sidoo kale xusay in nidaamka talada dalka haatan haya aanu wax badan ka duwaneyn midkii uu hoggaaminay Farmaajo.

Dagaalka Shabaab ayuu soo hadal qaaday oo uu sheegay in looga mashquulay arrimo siyaasadeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More