Wasiir Somaliland ah oo beeniyay hadal laga faafiyay oo ka dhan ah Gaza
Mar 19 (Jowhar)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Bakaal ayaa ka jawaabay war khaldan oo ay baahisay warbaahinta Al Jazeera. Wasiirka oo war qoraal ah ku baahiyey bartiisa X ayaa sheegay in haba yaraatee aysan jirin wax wada xaajood rasmi ah oo Somaliland ay la gashay cidkale oo ku saabsan Arrimaha Falastiiniyiinta.
Wasiirka ayaa yidhi; “Mala-awaalkii Al Jazeera waa mid aan sal lahayn oo si khaldan u dhigaysa mowqifka cad ee joogtada ah ee Somaliland ee ku aaddan wadahadallada diblomaasiyadeed.
“Somaliland wax wada hadal ah ama heshiis ah oo dhinaca falastiiniyiinta ah weli may gelin. Ictiraaf raadinta Somaliland waxa sal dhig u ah Taariikhdeeda gaarka ah, dimuqraadiyadda iyo dawladnimadeeda tobanaanka sannoย jirtay.” Ayuu yidhi Wasiirku.