Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Sucuudiga oo ku kulmay Riyaad

Oct 28  (Jowhar)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudiga kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faysal Bin Farxaan.

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, wasiirada  ayaa  isla soo qaaday ballaarinta iskaashiga gaar ahaan dhinacyada  horumarinta Dhaqaalaha, Amniga iyo Isdhaafsiga dhaqanka.

Labadaan masuul ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha Gobolka ee muhiimka ah, iyagoo caddeeyay inay ka go’an tahay horumarinta xasilloonida iyo barwaaqada Gobolka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More