Wasiirka Amniga Jubaland oo beeniyay in ciidankii ku sugnaa Beledxaawo ay isku dhiibeen DFS

Dec 08  ( Jowhar) Wasiirka amniga gudaha Jubbaland sareeye Gaas Yusuf Xuseen Cismaan Dhumaal ayaa beeniyay warar saacadihii lasoo dhaafay lagu baahinayay baraha bulshada kaas oo ahaa in Ciidamo Jubaland ka tirsan oo ku sugnaa Dagmada Baladxaawo Ee Gobolka Gedo ay isku dhiibeen DFS.

Qoraal kooban oo uu soo saaray Wasiirka Amniga Gudaha Jubaland ayaa uqornaa sidatan

“Waxaan si cad u beeninayaa in aysan jirin ciidamado katirsan dowlada jubbaland oo darawiish ah  oo ku sugan baladxawo arintaas oo ah mid lagu qaldayo dowlada fedraalka  iyo shacabka reer gedo,

Ciidamado jubbaland oo darawiish ah  waxaa u dambeesay kuwii uu dowlada fadraalka ku wareejiyay wasiirkii hore ee amniga jubbaland,cabdirashid xasan cabdi nuur.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More