Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Madaxa Ergada OIC

Jan. 31 (Jowhar.com)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Madaxa Ergada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) u qaabilsan Soomaaliya, Amb Mohamed Bamba M. Boba.

Sida wararku sheegayaan, waxa uu kala hadlay sidii loo sii wadi lahaa, loona ballaarin lahaa howlaha samafal ee ururku ka wado dalka Soomaaliya, loona gaarsiin lahaa gobollada dalka oo dhan.

Ururka waddamada Islaamka ayaa dalkan ka fuliya mashaariic samafal oo isugu jira qodista ceelal biyood, dhismaha iyo dayactirka xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho, wuxuu sidoo kale ururku fuliyaa hawlo gargaar oo degdeg ah.

Ururkan oo ay ku mideysan yihiin 56 dal oo Muslim ah ayaa lagu asaasay waddanka Morroco bishii Sebtembar 1969, iyadoo Soomaaliyana ay ku biirtay Isla sannadkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More