Wasiirka Batroolka iyo Taliyaha NISA oo lagu wareejiyay xarumihii dowlada ee Beledweyne

Jan 12 (Jowhar)-Wasiirka Batroolka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed, Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay xarumihii dowlada ee magaalada Beledweyne kadib markii maalmihii la soo dhaafay ay wadahadalo ka socdeen Beledweyne.

Xarumaha lagu wareejiyay mas’uuliyiintii ka socotay magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka mid ah Xaruntii Maamulka gobolka Hiiraanmkan degmada Beledweyne iyo saldhigga ciidamada Lama galaay.
Maaleeshiyaad taageersan maamulka la magac baxay Hiiraan State ayaa gacanta ku hayay xarumahaas,waxaana haatan la wareegay ciidamo Milatari ah iyo kuwa NISA ah.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya iyo Taliyaha NISA oo ka hadlay munaasabada wareejinta xarumahan ayaa balan qaaday in dowladda Fedaraalka ay ka shaqeyn doonto in dadka reer Hiiraan ay helaan nidaam loo dhan yahay.

Wasiir Daahir Shire iyo mas’uuliyiinta kale ka socota dowladda Fedaraalka ayaa ugu baaqay shacabka reee Baledweyne iney taageeraan dadaalada dowladdu ku xoojinayso amniga iyo maamul wanaagga, waxayna ballan qaadeen in xarumahaan ay ku sameynayaan dhib u dhis xoogan si loogu adeego bulshada.

Ciidamada dowlada ayaa ku guuleystey inay ka qaadaan jidgooyooyin yiil inta u dhexeysa magaalada Beledweyne iyo degmada Matabaan.

Sidoo kale waxaa la furay wadooyin muhiim u ahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka kaasoo xirnaa tan iyo markii magaalada Baledweyne lagu qabtay doorashadii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu aheyd Baledweyne bishii febraayo ee sanadkii 2022-kii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More