Wasiirka Deegaanka Soomaaliya oo heshiis la gashay hay’adda Global Center for Climate Mobility

Nov 14  (Jowhar)-Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, oo ay hoggaamineyso Wasiir Khadija Mohamed AlMakhzoumi, ayaa heshiis wada saxiixday hay’adda Global Center for Climate Mobility.  Heshiiskan ayaa ah tallaabo muhiim oo loo qaaday dhinaca horumar waara.

Iskaashigan cusub waxa uu si gaar ah diiradda saarayaa awood siinta bulshooyinka u nugul  deegaanka, iyadoo la hubinayo badbaadada iyo wax ku oolnimada istaraatiijiyadda la qabsiga isbeddelka cimilada ee dalka.

Ujeedada heshiiska ayaa ah in la maalgelin doona mashaariic gaar ah oo ka turjumaya baahiyaha dadka, isla markaana lagu xoojinayo kalsoonida iyo iskaashi bulsho oo xooggan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More