Wasiirka gaashaandhigga oo kormeer ku tegey deegaanka Buulo Xaaji

Jul 30 (Jowhar.com)Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka xooga Dalka S/Gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin Iyo Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa si wadajir ah u kormeerey deegaanadii dhawaan Lagu jebiyey Khawaariijta ee Buula Xaaji iyo Harboole ee gobolka Jubbada hoose .

Masuuliyiinta ayaa Mid mid u kor istaagey goobihii iyo difaacyadii sida xun loogu laayey Khawaariijtii weerarka soo qaaday 22-bishaan, iyagoo u hambalyeeyey dhamaan Taliyaasha, Saraakiisha iyo Ciidanka sida Geesinimada leh isaga difaacay Codowga ummadda Soomaaliyeed .

Madaxdu Waxay Balan qaadeen in dhamaan Ciidanka Labadiisa heer dowlad goboleed iyo federaalba loo dhamays tiri doono Waxkasta oo ay u baahan yihiin inta, si cadowga looga dulqaado dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada ku hayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More