Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo si kulul uga jawaabay hanjabaadii Afhayeenka Shabaab

Jan. 30 (Jowhar.com)- Wasiirka ganacsiga dowladda Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa si kulul uga jawaabay fariin hanjabaad eheyd oo Afhayeenka Shabaab Cali Dheere uu usoo diray ganacsatada Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa tilmaamay inaan Shabaab waxba laga weydiineynin ilaalinta hantida Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna Cali Dheere ku tilmaamay inuu hormuud u yahay cida ay tahay in laga ilaaliyo hantida ay sida xoogga ah uga qaataan ganacsatada.

“Ninka Cali Dheere la yiraa ee ku hadla Afka Khawaarijta, waxa aan u sheegayaa in aan waxba laga waydiinayn ilaalinta hantida umadda Soomaaliyeed oo cidda laga ilaalinayaa ay tahay isaga oo ah khawaarijta Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ganacsiga dowladda Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa dhinaca kale ku amaanay ganacsatada sida ay ugu hoggaansameen awaamirta dowladda ee eheyd iney iska diidaan bixinta lacagaha baada ah ee Shabaab ka qaadaan ganacsatada, taasoo keeni jirtay in kooxda ay ku maal galiyaan weerarada ay dadka Soomaaliyeed ku laayaan.

Si kastaba, Afhayeenka Shabaab Cali Dheere oo cajalad muuqaal eheyd iska soo duubay ayaa bangiyada iyo shirkadaha uga digay iney dowladda la wadaagaan dadka ay hantida u hayaan, taasoo lagu fasiray iney doonayaan sidii ay ugu qarin lahaayeen lacagohooda oo dowladda xanibeyso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More