Wasiirka Tamarta Turkiga oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Feb 25  (Jowhar)Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalka Turkiga Dr. Alparslan Baytaktar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo munaasabadda soo dhaweynta Markabla shidaalka saminaya Oruc Reis, kaasoo saakay ku soo xirtay Dekedda Muqdisho.

Wasiirka Batroolka XFS C/risaaq Cumar iyo Mas’uuliyiin kalr ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

“Imaatinka Mudane Baytaktar iyo wufuudda kale ee illaa shalay dalka soo gaarayay ayaa caddeyn u ah sida ay dhacdada maanta loo taagan yahay u noqonayso daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaya xiriirka iskaashiga dhaqaale ee labada dal” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Keyraadka Dabiiciga ee XFS C/risaaq Cumar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More