Wasiirkii Batroolka oo booqday dhaawacyadii Aboorrey, kuna baaqay in loo midoobo dagaalka Al-shabaab
Apr 09(Jowhar)Wasiirkii hore ee Bartroolka Soomaaliya Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa maanta kormeeray dhaawacyadii dagaalkii Aboorrey ee Gobolka Hiiraan, waxa uu Alle uga baryay caafimaad waara, halka dadkii ku geeriyoodana uu ku geeriyoodana uu ugu duceeyay in uu Jannadii geeyo.
Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa sidoo kale dhaawacyada ku wareejiyay taageero maaliyadeed, waxa uu sidoo kale ballan qaaday in uu ka war hayn doono xaaladdooda caafimaad.
Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar ayaa sheegay in maanta Soomaalida ay u furantahay waddo oo kaliya waana in ay la dagaallamaan kooxda Argagaxisada ah ee Al-shabaab, loona midoobo sidii dalka looga xoreyn lahaa.
Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo booqda dhaawacyadii dagaalka Aboorrey.
Gobolka Hiiraan ayaa noqday meesha qura ee sida adag lagula dagaallamay Kooxda Al-shabaab oo ah urur argagaxiso, waxaana muuqata in ciidamada dowladda & kuwa deegaanka ay xaqiijinayaan guulo ballaaran.