Wasiirkii hore ee Maaliyada Soomaaliya Bayle oo ka dagay Hargeysa
Mar. 05 (Jowhar.com)-Wasiirkii hore ee Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa gelinkii dmabe ee maanta ka dagay magaalada Hargeysa, halkaasoo deegaan ahaan uu ka soo jeedo.
Mr. Beyle oo sidoo kale mar soo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa tagistiisa Hargeysa waxa ay ka danbeysay kadib markii uu cafis u fidiyay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Wasiir Bayle ayaa la sheegaa in uu hanti ku leeyahay magaalada Hargaysa oo uu tabcaday mudadii uu xafiiska joogay waxaana kamid ah guryo uu ka dhistay halkaasi, waraysi uu bixiyay kadib markii uu ka dhamaaday xilka wasiirka maaliyada, ayuu ku sheegay in uu rabo in uu Somaliland ku laabto.
Bayle ayaa lagu xasuustaa in sanadihii uu xafiiska wasaarada Maaliyada fadhiyay aanu sameyn wax xisaab xir ah, waxaana jiray Malaayiin doollar oo aan la ogeyn halka ay ku maqan tahay.
Ma aha siyaasigii ugu horreeyay oo xil sare ka qabtay dowladda federaalka oo haddana dib ugu laabta Somaliland, waxaana ka horreeyay Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ra’iisul wasaare ku xigeen kasoo noqday Soomaaliya iyo kuwa kale oo kasii horreeyay.