Wasiirkii labaad ee ka tirsan xukuumada Xamse oo is casilay

Nov 03  (Jowhar)-Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Waxbarashada XFS oo is casilay, kana soo jeeday Jubbaland, Mr Daqare ayaa isku casilay sabab la xariirta in DFS qorsheysay duulaan ka dhan ah dawlad gobaleedka uu kasoo jeedo.

Waa Wasiirkii labaad oo ka soo jeeda Jubbaland oo xilkiisa iska casilay saacado gudahood.

Galinkii hore ee maanta, wasiiru dowlihii Wasaaradda Qorsheynta ayaa is casilay sabab la xariirta in Dawlad gobaleedkiisa Jubbaland ay madasha kabaxday, dagaal siyaasadeedna lagu qaadayo.

Arrimahan ayaa kusoo beegmay saacado kadib markii madaxweyne Xasan uu taliyihii hore ee Nabad Sugida Jubaland Khaalid uu u magacaabay taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More