Wasiirkii Maaliyada Soomaaliya oo si lama filaan ah uga hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyay
July. 09 (Jowhar.com)-Wasiirkii maaliyada Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ka hadlay xil ka qaadistii xalay uu ku sameeyay ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre.
Dr. Cilmi ayaa soo dhaweeyay xil ka qaadista ayaa dhinaca kale sheegay inuu xafiiska ka tagay isagoo bixiyay dhamaan mushaaraadka shaqaalaha dowladda.
Waxa uu dhinaca kale sheegay in barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadd uu meel wanaagsan geeyay a si loo gaaro gunaanadka deyn cafinta Soomaaliya.
“Waxay ii ahayd Sharaf iyo mudnaan gaar ah in aan noqdo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Waxa aan ku faraxsanahay in aan hormuud u ahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda si aan u gaarno gunaanadka deyn cafinta Soomaaliya, tanina si wanaagsan ayay u socotaa.
Waxa aan ka tagayaa xafiiska anigoo bixiyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha Dowladda intii aan xilka hayay, sidoo kalena waxa aan casriyeeyey hannaanka furdooyinka, xoojiyay Maamulka Guud ee Maaliyadda Dowladda, iyo maamul wanaagga” ayuu yiri wasiirka.
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa dhinaca kale balanqaaday inuu la shaqeyn doono wasiirka cusub ee Maaliyada Biixi Iimaan Cige.
“Waxa aan Wasiir Biixi Iimaan Cige u rajaynayaa in uu xilka cusub ee loo igmaday Alle u fududeeyo. Waxaan sii wadi doonaa in aan ka midho dhaliyo himilooyinka horumarineed ee Qarankeena intii awooddeyda ah” ayuu yiri Dr. Cilmi Maxamuud Nuur