Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Doonyo Ilaalo Ah Ka guddoomay Safiirka Turkiga

Nov 01  (Jowhar)- Munaasabad kooban oo lagu qabtay Dekadda Muqdisho ayaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cumar Cali Cabdi oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale waxa uu Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ku qaabilay Afar Doomood oo nooca dheereeya ah.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Saraakiil kale.

Safiirka Turkiga ayaa carabka ku dhuftay in doomahan ay wax badan ka bedeli doonaan ammaanka xeebaha, isagoo xusay in taageerada Turkiga ee Soomaaliya oo soo bilowday 2011 ay sii xoogeysaneyso.

Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga ayaa u mahad celiyay dowladda Turkiga, isagoo carabka ku adkeeyay in doomahan ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan la dagaalanka burcad badeeda iyo sugida kheyraadka badda Soomaaliya.

Intii ay socotay xafladda ayaa waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha, kuwaasi oo ku howlgali doona doonyaha cusub ee ilaalada xeebaha, iyadoo tani ay muujineyso horumar la taaban karo oo lagu xoojinayo tayada ciidamada badda Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More