Weerar ku bilowday qarax oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Ciidamadda dowladda iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay magaalada Muqdisho

Mar. 05 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar lagu laayay dad shacab ahaa oo xalay ka dhacay xaafadda Daaru Salaam ee magaalada Muqdisho.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, koox hubeysan ayaa bam gacmeed ku tuurtay maqaaxi ay ku qayilayeen rag isugu jira dhalinyaro iyo Odayaal, waxaana qaraxaasi kadib kooxdii weerarka geysatay ay toogasho kula dhaqaaqday dadkii fadhiyay maqaaxidaasi.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in weerarkaasi ay ku naf waayeen Shan ruux oo kamid ah dadkii goobta fadhiyay, waxaana jiro dad kale oo dhaawacya kala duwan qaba.

Majirto cid wali sheegatay masuuliyada weerarkan, balse Al-Shabaab ayaa horay u shaacisay inay beegsaneyso goobaha lagu iibiyo iyo meelaha lagu isticmaalo waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalena ay la dagaalameyso ciyaal weerada.

Ilaa 4 weerar ayey kooxda ka geysatay magaalada Muqdisho, kuwaasoo lagu dilay inkabadan 10 ruux oo isugu jiray ciyaal weero, dadka ka ganacsada Maandooriyaha iyo kuwa isticmaalo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More