Weerarkii hoteelka Qaahira oo lasoo afjaray iyo nabadoono caan ah oo lagu dilay
Mar 11(Jowhar)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar culus oo kooxda Al-shabaab saaka ay ku qaaday hoteelka Qaahira ee ku yaala xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyn.
Weerarka oo ku bilowday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo hoteelka lagu dhuftay agaa waxaa xigay in rag hubeysan ay gudaha u galaan hoteelka, kuwaasoo saacado badan ka dhex dagaalamayay dhismaha oo uu shir uga socday saraakiil iyo Odayaal ka tirsan beesha Gaaljecel.
Wararka hordhaca ah ee la xaqiijiyay ayaa sheegaya in weerarka saakay ku dhinteen ilaa afar ruux oo ay ka mid yihiin Nabadoonada lagu kala magacaabo Nabadoon Aadan Raaxa jecel, Nabadoon Maxaamed Cisman Ileynaa, Aadan Maxamed Calasow Indhabur iyo sarkaal magaciisa lagu soo koobay Galaangashe.
Ciidamadda amniga ayaa soo afjaray weerarka, kuwaasoo ku guuleystay iney toogtaan dableydii hoteelka ka dhex dagaalameysay.
Xiliga weerarka, Odayaasha iyo saraakiisha shirka usocday ayaa katashanaya sidii ay Galbeedka beledweyn uga saari lahaayeen kooxda Al-shabaab oo loo qori lahaa ciidan deegaanka ah.