WFP oo sheegtay iney dhimeyso raashinkii ay siin jirtay qaxootiga Dhadhaab

Jully. 08 (Jowhar.com)-Hay’adda cunnada Adduunka ee WFP ayaa dadka qaxootiga ah ee ku nool xeryaha Dhadhaab u sheegtay in raashinkii deeqda ahaa ee la siin jirey qaxootiga la dhimayo 20% laga billaabo bishan July.

Hay’adda oo warkaa dadka ku gaarsiisay fariimo ay ugu dirtay telephone-nada gacanta ayaa talaabadaa ku macnaysay dhaqaale yari soo wajahday hay’adda.

Raashinka la dhimay ayaa si aad ah u saamaynaya dadka qaxootiga ah ee ku nool xeryaha Dhadhaab.

Sida xoguhu tilmaamayaan, dadka ugu sii daran ee talaabadaa u dhutin doonaa waxey yihiin dadka xeryaha ku cusub ee aan iyagu weli loo aqoonsan qaxootiga rasmiga ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More