Wiil la dhashay wasiirka Cadaalada Koofur Galbeed oo lagu dilay Muqdisho iyo ninkii dilay oo la qabtay

Ciidamadda dowladda iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay magaalada Muqdisho

Aug. 11 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in degmada Hodan lagu dilay wiil dhalinyara ah oo lagu magacaabi jiray Isaaq Aadan Cali.

Marxuumka oo ganacsade ahaa waxaa rasaas qeybaha sare ee jirkiisa uga dhuftay nin lala xiriiriyay kooxda Al-Shabaab, iyadoo xiliga la tooganayay uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday salaadii Jimcaha.

Dad goobjoogayaal ah ayaa kusoo waramay in gacan ku dhiiglaha ay qabteen askar katirsan ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea oo marayay aagga uu dilka ka dhacay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in marxuumka uu la dhashay wasiirka cadaalada maamulka Koofur Galbeed Ibraahim Aadan Najax, lama oga sababta dilkiisa ka danbeysa, waxaase jira warar sheegaya iney la xiriirto baad ay kooxda Shabaab ka doonayeen ganacsadaha.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa faraha kasii baxaya mudooyinkan, waxaana kusoo batay qaraxyada iyo dilalka qorsheysan oo ay geystaan amniyaadka Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More