William Ruto oo bedelay mowqifkiisa, diyaarna u ah inuu la kulmo Odinga

July. 26 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Kenya oo sheegay unuu diyaar u yahay inuu la kulmo hogaamiyaha mucaaradka Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay inuu “xili kasta” diyaar u yahay inuu fool ka fool ula kulmo hogaamiyaha mucaaradka, RailaOdinga.

 

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya kaddib markii bilihii u dambeeyay ay dalka ka dhaceen mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda.

‘Sida aad adiguba ogtahay, waxaan diyaar u ahay inaan kula kulmo’, ayuu yiri madaxweyne Ruto oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Dhowr mar oo hore ayaa waxaa burbury wadahadallo ay lahaayeen xukumadda iyo Mucaaradka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More