William Ruto oo magacaabay Madaxweyne ku xigeen

Oct 18 (Jowhar)-Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa u magacaabay wasiirka arrimaha gudaha Prof. Kithure Kindiki inuu noqday madaxweyne ku-xigeen kadib markii xubnaha Aqalka Sare ee dalka ay xilka ka qaadeen Rigathi Gachagua.

Kindiki ayaa ka mid ahaa xubnaha ugu cad-cad ee xilkan kadib markii baarlamanka ay xilka ka xayuubiyeen Gachagua.

Ruto ayaa haystay 14 maalmood inuu ku soo magacaabo ku-xigeen cusub kadib xil ka qaadistii Gachagua, baarlamankana waa inuu hadda ugu codeeyaa xulashadan 60 maalmood gudahood.

Hase yeeshee, Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay go’aanka Aqalka Senate-ka uu xil ka qaadista ugu sameeyay Madaxweyne Kuxigeenkii Kenya Rigathi Gachagua. Tan ayaa timid wax yar uun kaddib markii xildhibaannada wadankaasi ay si aqlabiyad ah u meel mariyeen magacaabista William Ruto ee Madaxweyne Kuxigeenka cusub oo ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha.

Maxkamadda ayaa si kumeel gaar ah u hor istaagtay badalka lagu sameeyay Rigathi Gachagua illaa kiiskan ay ka dhagaysanayso 24 bishan Oktoobar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More