William Ruto oo si weyn loogu soo dhaweeyay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi
Mar 10(Jowhar)Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey xaafadda Soomaalida ee Islii ee magaalada Nairobi.
Taageerada Soomaalida ay u hayso Ruto ayaa korodhay ka dib markii uu dhawaan booqday gobolka Woqooyi-bari meeshana ka saaray takoorkii lagu hayey Soomaalida kolka ay qaadayaan Aqooonsiga dalkasi.