William Ruto oo si weyn loogu soo dhaweeyay xaafadda Islii
Mar 10(Jowhar)-Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey xaafadda Soomaalida ee Islii ee magaalada Nairobi.
Taageerada Soomaalida ay u hayso Ruto ayaa korodhay ka dib markii uu dhawaan booqday gobolka Woqooyi-bari meeshana ka saaray takoorkii lagu hayey Soomaalida kolka ay qaadayaan Aqooonsiga dalkasi.