Xaaska Barack Obama oo beenisay inay kala tagayaan seygeeda

Apr 11(Jowhar) Marwada madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa ka hadashay wararka sheegaya in guurkoodu uu dhibaato wajahayo lagana yaabo inay kala tagaan.

Xaaska Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaan u raacin Obama dhowr dhacdo oo heer sare ah – oo ay ku jiraan caleema saarka Donald Trump iyo aaska madaxweynihii hore ee Jimmy Carter, taasoo sii hurisay wararka la isla dhexmarayo ee ah inay kala tagayaan.

Iyadoo aan si cad u sheegin dhacdooyinkan, Mrs Obama ayaa u sheegtay barta Work oo wareysi la yeelatay inay hadda awood u leedahay inay xakamayso jadwalkeeda iyada oo ah haween kortay.

“Dadku ma rumeysanayaan inaan awood u leeyahay inaan nafteyda go’aan u gaari karto,sidaas awgeedna waxay dadka u fahmeen in aniga iyo ninkeyga uu khilaaf naga dhexeeyo oo aan kala tegeyno.”ayay u sheegtey Mrs Obama barta Work.

Mrs. Obama oo 61 sano jir ah ayaa sheegtay inay sii wadato ka shaqaynta mashaariicda iyo u doodista waxbarashada gabdhaha.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama iyo xaaskiisa ayaa u dabaaldegey sanadkii hore sanadguuradii 32aad eek a soo wareegatay guurkooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More