Xafiiska Ra’iisul wasaare Xamse oo war cusub kasoo saaray shirkii uu isaga tagay Axmed Madoobe

Oct 16 (Jowhar)-Xafiisk ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa goordhow shaaciyay in 26-ka bishan dib la isugu soo laaban doono shorka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalmahan hakad ku jiray.

“Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho 2-dii bishaan ayaa weli sii wada wada wada-tashiyadii ku saabsanaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xusay in shirka mudooyinkii lasoo dhaafay diirada lagu saaray dagaalka Shabaab, dhameystirka hanaanka dimuquraadiyeynta iyo fulinta heshiisyadii hore ee golaha.

“Shirkan oo madaxda qaranku diiradda ku saarayeen xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan dagaalka Khawaarijta, dhameystirka hanaanka dimuquraadiyeynta iyo fulinta heshiisyadii hore ee golaha ayaa waxaa sii socon doona wadatashiyada madaxda, iyadoo dib la isugu soo laabanayo 26-ka bishan October.” Ayaa lagu sii daray.

Arrintan ayaa timid kadib markii laga quustay in shirka dib loogu soo celiyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo saluugay hanaanka doorashooyinka dowlad gobokeedyada ay Villa Somaliya soo jeedisay.

Wakiilka UN-ka James Swan oo dhawaan tagay Kismaayo ayaa dhankiisa gacanta ka taagtay inuu Axmed Madoobe shirka dib ugu soo laabto, taasoo habkii laga qabay Jubaland hoos u dhigay.

Lama oga sida Axmed Madoobe loogu qancin doono inuu gogosha dhamaadja bishan dib ugu soo laabto, xili Madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu hore shirka Golaha Wadatashiga Qarab uu uga maqnaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More