Xaflad lagu daahfurayay Appka Quran Tabsera oo Muqdisho lagu qabtay
Feb 12(Jowhar)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga daahfuray Application loogu magic daray Quran Tabsera oo ah App Casri ah oo aad ka akhrisan karto Quraanka, kana dhagaysan karto sidoo kalena aad ka baran karto Tafsiirkiisa.
Munaasabada Daahfurka waxaa ka soo qaybgalay Mashaa’ikhda Soomaalida ugu waaweyn oo ay kamid yihiin Siikh Maxamed Cabdi Umal, Shiikh Saciid raage, Shiikh Bashiir Axmed Salaad, Shiikh Xuseen Cali Jabuuti, Shiikh Cali Wajiis, Shiikh Cabdihayi, guddoomiyaha midowga Jaamacadaha prof Bidey iyo Culumo kala duwan oo ka kala timid dalka dibaddiisa iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Application-kan oo ay sameysay jaamacadda Hormuud ayaa wax badan ka bedeli doona hannaanka aan Tiknoolajiyadda uga faa’idaysano marka ay timaaddo Dhanka Diinta barashadeeda gaar ahaan Quraanka Kariimka ah.
Waxaad ka heli kartaa Application-kan in ka badan 6 Luuqadood oo lagu Tarjumay Tafsiirka Quraanka; Sida Luuqadda Soomaliga, Carabiga, Ingiriiska, Faransiiska, Kiswaaxili-ga, iyo Amxaari-ga.
Waxaa ku jirta App-kan Culumada Soomaalida ugu waaweyn ee fasira Quraanka Kariimka ah waxaana kamid ah Shiikh Muxammed Mucalim, Shiikh Cumar faaruuq, iyo Shiikh Muxamed Dirir, Sidookale waxaa ku jira Qurraa gaaraysa 23.