Xamaas iyo Israel oo gaaray heshiis xabad joojin ah
Jan 15 (Jowhar)-Israel iyo Xamaas ayaa gaaray heshiis xabbad joojin ah si loo soo afjaro dagaalka 15 bilood ka socday magaalada Qaza.
Heshiiska ayaa daba socda wadahadalo socday bilo, iyadoo Qatar ay ka mid tahay dalalka dhexdhexaadinayay.Heshiiska ayaa waxa uu u ogolaan doonaa boqolaal kun oo ka barakacay Qaza in ay dib ugu laabtaan dalkooda.
Xamaas ayaa weerartay koonfurta Israel 7-dii Oktoobar 2023, halkaas oo ay ku dishay ilaa 1,200 oo qof, 251 kalena ay dib ugu celiyeen Qaza iyagoo afduub ahaan ah.
Weerarkan ayaa dhaliyay weerar ballaaran oo ay Israel ku qaaday Qaza, kaasoo lagu dilay in ka badan 46,000 oo falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.
Israel waxay sheegtay in 94 la haystayaal ay weli Xamaas haystaan, kuwaas oo 34 ka mid ah loo malaynayo inay dhinteen
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in heshiiska la gaaray lana sii deyn doono la haystayaasha dhawaan.
Balse, xafiiska ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in weli ay jiraan qadobo dhowr ah oo aan la xallin kuwaas oo ku jira heshiiska.
Heshiiska la sheegay waxaa ka mid ah xabbad-joojin ku-meel-gaar ah iyo sidoo kale sii deynta maxaabiista lagu haysto Gaza iyo maxaabiis badan oo ay haysato Israel. Heshiisku wuxuu sidoo kale, ugu dambeyntii, u oggolaanayaa Falastiiniyiinta barokacay inay ku laabtaan guryahoodii.
Weli si rasmi ah looma soo saarin qoraalka heshiiska, balse warbaahinta caalamka ayaa laga soo xigtey heshiiska.
Wajiga hore wuxuu socon doonaa lix toddobaad, wuxuuna ku lug yeelan doonaa isdhaafsi xaddidan oo maxaabiis ah, ka bixitaanka qayb ka mid ah ciidamada Israel ee Gaza iyo ogolaanshaha gargaarka ee magaalada Gaza.
Soddon iyo saddex qof oo Israa’iili ah oo maxaabiis ah, oo ay ku jiraan haween, carruur iyo dad rayid ah oo da’doodu ka weyn tahay 50 sano – oo lagu qabtay weerarkii ay Xamaas ku qaadday koonfurta Israel Oktoobar 7, 2023 – ayaa la sii dayn doonaa. Beddelkeeda, Israel waxa ay sii deyn doontaa ilaa 2000 oo maxaabiis falastiiniyiin ah inta lagu guda jiro marxaladan, oo ay ku jiraan 250 maxbuus oo xabsi daa’in ah ku xukuman.
Falastiiniyiinta la sii daaynayo waxaa ka mid ah ilaa 1000 qof oo la xiray wixii ka dambeeyay 7-dii October.
Iyadoo la isweydaarsanayo maxaabiista, Israa’iil waxay ciidamadeeda kala bixi doontaa xarumaha dadweynaha ee Gaza oo ay geyn doonaan meelo u jira illaa 700 oo mitir xadka Gaza ay la wadaagto Israa’iil.
Israel ayaa sidoo kale u ogolaan doonta Falastiiniyiinta dhaawaca ah inay ka baxaan marinka Gaza si loogu daweeyo, waxayna furi doontaa marinka Rafah ee Masar toddobo maalmood ka dib bilowga hirgelinta wajigii koowaad.
Ciidamada Israel ayaa dhimi doona joogitaankooda marinka Philadelphi Corridor, oo ah xadka u dhaxeeya Masar iyo Gaza, ka dibna ay gabi ahaanba isaga bixi doonaan marxaladaha dambe.
Kadib markii la shaaciyay heshiiska ayaa kumanaan ruux oo Falastiiniyiin ah waxa ay isugu soo baxeen wadooyinka magaalada Qaza iyagoo dabaaldegaya.