Xamaas iyo Israel oo maxaabiis mar kale is weydaaranaya
Jan 30 (Jowhar)-Israel iyo Xamaas ayaa Arbacadi shalay sheegay, in la heystayaasha ay Khamiista maanta ah sii deyn doonto Xamaas ay isugu jiraan 3 qof oo Isra’iiliyiin rayid ah iyo 5 muwaadin oo u dhashay Thailand.
Israeliyiinta laga soo fasaxayo Gaza ayaa kala ah lava dumar ah iyo oday 80 jir ah. Isla Khamiista maanta ah, Israel ayaa dhankeeda sii deyn doonta, tobnaan Falasyiiniyiin ah oo ku jira xabsiyadeeda.
Maxaabiis is weydaarsigan ayaa qeyb ka ah, heshiis ay dhexdhexaadiyiin dowladaha Mareykanka, Masar iyo Qatar. Heshiiska ayaa isugu jira xabbad joojin ka dhaqan gashay Gaza, dib ugu laabashada Falastiiniyiinta ee Waqooyiga Gaza, iyo is weydaarsiga dadka lakala hayo.
Maanta ilaa Sabtida, saraakiishu waxay sheegeen in la sii deyn doono la heystayaal reer Israel ah, iyo Falastiiniyiin muddo ku xirnaa xabsiyada Israel.
Maxaabiista Falastiiniyiinta ee la filayo in maanta lasoo daayo waxaa ka mid ah, Zakariya Zubeydi, oo horay uga tirsanaa dagaalyahannada Falastiiniyiinta.
Sannadki 2021-ki ayuu si la yaab leh uga baxsaday xabsiga, arrintaasi oo ka farxisay Falastiiniyiinta, aadna uga yaabisay ciidanka amniga Isra’il.
Wajiga koowaad ee heshiiska Xamas iyo Isra’il ayaa la filayaa in lagu sii daayo ilaa 2,000 oo Falastiiniyiinah, halka Xamas ay sii deyn doonto 33 ka mid ah la heystayaasha Isra’iiliyiinta ee lagu hayo Gaza.