Xamaas oo faah faahisay khasaaraha Gantaalo ay ku garaacday Israel
Apr 07(Jowhar) Dagaalyahannada Xamaas ayaa sheegay in gantaallo laga soo gannay Gaza ay ku garaaceen koonfurta Israa’iil, halkaasi oo hal qof uu ku dhaawacmay.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay socdaan dadaallo cusub oo lagu doonayo in dib loo bilaabo xabbad-joojinta Gaza.
Militariga Israa’iil ayaa sheegay in ciidammadoodu ay dileen qof Falastiini ah, ayna dhaawaceen laba kale, degmada Turmus Ayya ee Daanta Galbeed. Mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa sheegay in qofka la dilay uu ahaa da’yar haysta jinsiyadda Mareykanka.