Xamaas oo shaacisay la haystayaal ay siideyneyo
Jan 24 (Jowhar)-Xamaas ayaa magacawday afar qof oo la haystayaal Israa’iiliyiin ah kuwaasoo lagu sii dayn doono Sabtida iyada oo la raacayo heshiiskii xabbad joojinta ee Gaza.
Waxa uu sheegay ururka in afartan ruux ay yihiin askar dumar ah laguna kala magacaabo Karina Ariev, Daniella Gilboa, Naama Levy iyo Liri Albag.
Israa’iil ayaa lagu wadaa inay sii deyso illaa 180 maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku xiran Israa’iil.
Waxa ay noqoneysaa markii labaad oo sidan oo kale la is dhaafsado tan iyo markii xabad joojinta ay dhaqan gashay Axadii la soo dhaafay.
Saddex la haystayaal ah iyo 90 maxbuus ayaa la sii daayay wajigii hore ee heshiiska ay gaareen Israa’iil iyo Xamaas.
Xamaas ayaa sidoo kale la filayaa inay bixiso macluumaadka ku saabsan 26-ka lahayste ee haray oo la sii dayn doono shanta toddobaad ee soo socda.
Ariev, Gilboa, Levy iyo Albag ayaa lagu qabtay saldhiga ciidamada Nahal Oz oo ay weerareen rag hubaysan oo Xamaas ah. Muuqaal la soo duubay ayaa muujinayay iyaga oo ku dhex jira koox dumar ah oo gacmahooda dhabarka lagu xirayo. Waxaa la arkayay iyaga oo codsanaya in la caawiyo.
Xabbad joojintu waxay hakisay dagaalka oo billowday markii Xamaas ay weerartay Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023. Ilaa 1,200 oo qof ayaa la dilay 251 waa la soo qafaashay.
In ka badan 47,200 oo Falastiiniyiin ah, oo u badan rayid, ayaa lagu dilay weerarrada Israel, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ee Gaza.