Xamaas oo sheegtay ineysan meel ku ogeyn laheyste ay soo dalbatay Israel
Apr 15(Jowhar) Xamaas ayaa sheegtay in ay lumisay xidhiidhkii ay la lahayd koox dagaalyahanno ah oo gacanta ku haysa maxbuus haysta dhalashada Maraykanka iyo Israel oo lagu oo ku xidhan Qasa, kaddib ay Israel weerar ku qaadday goob ay ku sugnaayeen.
Askarigan oo 21 jir ah, oo lagu magacaabo Edan Alexander, ayaa ka soo muuqday muuqaallo ay kooxdaasi baahinaysay maalmihii u dambeeyay.
Israel ayaa codsatay in lagu sii daayo maalinta kowaad ee hindise xabbad-joojin 45 maalmood ah ah oo la soo bandhigay todobaadkii hore kaas oo ay diideen Xamaas.
Xamaas ayaan ilaa hadda sheegin goorta ay lumisay xidhiidhkii, mana ay soo bandhigin wax caddaymo ah.