Xamaas oo sii deysay afar askari oo Israa’iliyiin ah

Jan 25 (Jowhar)-Dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sii daayay afar haween ah oo ka tirsan ciidamada Israa’iil , taas oo ay ku bedesheen ilaa 200 oo maxaabiis falastiiniyiin ah, iyadoo la ilaalinayo heshiis xabbad-joojin ah oo lagu soo afjarayo dagaalka 15-ka bilood ka socday Qaza.

Afarta qof ayaa la geeyay goob fagaare oo ku taal magaalada Gaza oo ay ku sugnaayeen dad badan oo falastiiniyiin ah, waxaana hareeraha ka taagnaa tobanaan ka tirsan ciidamada Xamaas oo hubaysan. Way gacan haadiyeen oo dhoola cadeynayeen ka hor inta aan lagu wareejin saraakiil ka socotay hay’ada gawaarida ICRC kadibna waxaa lagu wareejiyay ciidamada Israel.

Afartan haweenka ciidamada ah ayaa kala ahaa Karina Ariev, Daniella Gilboa, Naama Levy iyo Liri Albag ayaa waxaa ka afduubtay dagaalyahanada Xamaas oo xoog ku qabsaday xaruntooda intii uu socday weerarkii Xamaas ee Israa’iil ku qaaday Oct. 7, 2023.

Waalidiintooda ayaa markii ay shaashada ku arkeen sacab iyo farxad la qayliyay, iyaga oo si toos ah uga daawanayay xil-wareejinta saldhig ciidan oo ku yaalla xadka. Magaalada Tel Aviv, boqolaal Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay fagaaraha lagu magacaabo Hostages Square, iyagoo ooyaya,aadna u faraxsan.

Waxa ay dib ula midoobeen qoyskooda wax yar ka dib, sida laga soo xigtay militariga waxaana loo qaadi doonaa isbitaal ku yaal bartamaha Israa’iil, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka Israel.

Laakin farxada ka jirta Israa’iil ayaa waxaa hareeyay niyad jab ka dib markii haweeney rayid ah oo la afduubtay oo la filayay in la sii daayo sabtida, aysan ka mid ahayn dadka la sii daayay.
Arbel Yehud, oo 29 jir ah, ayaa iyada iyo saaxiibkeed laga soo kaxaystay gurigooda oo ku yaalla Kibbutz Nir Oz, Oktoobar 7, 2023.

Afhayeen u hadlay milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay jabinayeen xabbad joojinta, halka Xamaas ay sheegtay in ay tahay arrin farsamo.

Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in kooxdu ay ku wargeliyeen dhexdhexaadiyayaasha inay nooshahay, lana sii deyn doono Sabtida soo socota.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Falastiiniyiinta ku sugan Gaza aan loo ogolaan doonin inay dib ugu soo laabtaan qeybta waqooyi ee dhulkaasi ilaa laga xalinayo arrinta.

Boqolaal kun oo falastiiniyiin ah ayaa ka barakacay waqooyiga Gaza intii uu socday dagaalka waxaana qaar badan ay filayeen in ay ka soo laabtaan Axadda.

Sarkaal Falastiini ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dhexdhexaadiyeyaashu ay ka shaqaynayaan sidii loo xalin lahaa arrintan.

Xamaas ayaa sheegtay in 200 oo maxbuus la sii dayn doono sabtida taas oo qayb ka ah heshiiska.sarifka.

Waxaa ka mid ah maleeshiyaad la xukumay oo xabsi daa’im ku xukuntay inay ku lug lahaayeen weerarro lagu dilay tobanaan qof.

Basaska ay la socdeen maxaabiista ayaa la arkayay iyagoo ka baxaya xabsiga Ofer ee ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto, wax yar ka dib markii la sii daayay la haystayaashii Israa’iiliyiinta.

Maalinta sabtida ah ee la qorsheeyay in la is dhaafsado ayaa noqonaysa tii labaad tan iyo markii ay bilaabatay xabad joojinta 19-kii Jannaayo isla markaana Xamaas ay ku wareejisay saddex dumar ah oo Israa’iili ah oo rayid ah oo ay ku beddeshay 90 maxaabiis falastiiniyiin ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More