Xamaas oo u dooratay Yahya Sinwar Hoggaamiyahooda cusub
Aug 06 (Jowhar.com)-Xamaas ayaa sheegtay inay u dooratay Yahya Sinwar inuu noqdo hoggaamiyaha cusub ee xafiiskooda siyaasadda,kadib dilkii Ismail Haniyeh ee Tehran lagu dilay July 31.
Sinwar, oo 61 jir ah, ayaa Israa’iil u aragta maskaxdii ka dambeysay weerarkii 7-dii October ay Xamaas ku qaadday gudaha dhulka Israa’iil, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 1,100 qof, in ka badan 200 oo kalena ay maxaabiis ahaan u qabsadeen ururka Xamaas.
“Dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas waxay ku dhawaaqaysaa in Taliye Yahya Sinwar loo doortay madaxa xafiiska siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa, isagoo bedelaya shahiid Ismaaciil Haniyeh, [Alle ha u naxariistee],” ayay kooxdu ku sheegtay hadal kooban oo ay soo saartay.
Sinwar waxa uu ku dhashay xerada Qaza ee koonfurta Khan Younis,waxana uu ahaa madaxii hore ee hay’adda amniga ee Al-Majd,kaas oo u xilsaarnaa ciribtirka Falastiiniyiinta looga shakisan yahay in ay gacan saar la leeyihiin Israel. Wuxuu noqday hogaamiyaha Xamaas ee Marinka Gaza sanadkii 2017.
Sinwar waa mid ka mid ah dhowr hoggaamiye oo Xamaas ah oo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ay u dalbatay amar lagu soo xirayo eedeymo la xiriira dambiyo dagaal oo ay galeen 7-dii Oktoobar.
Amaro lagu soo xiro ayaa sidoo kale loo dalbay qaar ka mid ah hogaamiyayaasha Israel, oo ay ku jiraan Netanyahu iyo madaxa difaaca Israel Yoav Gallant, oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza.