Xamaas oo xaqiijisay geerida Hoggaamiyahoodii Yaxye Sinwaar

Oct 18 (Jowhar)-Hoggaamiye ka tirsan Xamaas oo la yiraahdo Khaliil Alxayi ayaa ku dhawaaqay geerida Yaxye Sinwaar, isagoo sheegay in geeridan ay ka qaadi doonaan adkeysi iyo dhiiranaan.

Khaliil Alxayi oo ahaa ku xigeenka Sinwaar ayaa waxa uu yiri;“Sinwaar waxa uu qaaday wadaddii ay jeexeen aasaasihii Xamaas Sheekh Axmed Yaasiin, hoggaamiye Rantiisi iyo Ismaaciil Haniya iyo hoggaamiyayaashii kale”.

Waxa uu intaas ku daray inXamaas waxa ka go’an balan kii hoggaamiyayaasheedii geeriyooday ee ahaa in dhammaan dhulka Falatiiniyiinta laga sameeyo dawlad ay leeyihiin oo caasimaddeeduna tahay Qudusta Bari.

Waxa uu Khaliil Alxayi ku celiyay dalabkoodii ahaa in la haystayaasha Israa’iil kaliya la sii dayn doono marka la joojiyo dagaalka Israa’il ku hayso Qasa, si buuxdana uga baxdo Marinka Qasa, lana sii daayo Falastiiniyiinta ku xirxiran xabsiyada.

Israa’iil ayaa ku dhawaaqday Khamiista inay dishay hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar, oo ahaa naqshadeeyihii soo abaabuley weerarkii October 7, 2023, ee dhaliyay dagaalka Gaza.

Waa hoggaamiyihii labaad ee Xamas ee Israel ay disho tan iyo markii uu dagaalka Gaza billowday sanad kahor. Israel ayaa horey u dishy Ismaaciil Hanniyeh.

Yahya Sinwar ayaa geeriyooday isaga oo ka dagaalamaya Gaza, sida ay muujiyeen muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada uuna xaqiijiyay Maxamed Sinwar oo ah walaalkii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More