Xamsa oo xarigga ka jaray xarunta gurmadka deg degga ah ee Cisbitaalka De Martino
Jan 22 (Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray xarunta gurmadka deg-degga ah ee Isbitaalka De Martino, oo loo dhisay, loona qalabeeyey qaab casri ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo xarig jarka kadib kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee dhismaha, ayaa tilmaamay in xaruntan ay qeyb muhiim ah ka tahay horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Qatar dhismaha xaruntan oo dabooli doonta baahi weyn oo ay bulshada Soomaaliyeed u qabeen Isbitaal noocan oo kale ah.
Xarunta gurmadka deg-degga ah iyo maareynta dhaawacyada oo loo dhisay hab-casri ah, ayaa loogu tala-galay howlaha gurmadka caafimaadka iyo daryeelka bukaanka, waxaanna u dhammaystiran dhammaan agabka caafimaadka iyo qaliinnada ee loogu shaqayn lahaa bulshada Soomaaliyeed.