Xamse iyo Swan oo ka wada hadlay go’aankii Axmed Madoobe uu uga baxay shirkii Wadatashiga

Oct 15 (Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sii hayaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyadoo si gaar ah looga hadlay taageerada qorshooyinka mudnaanta u leh dowladda sida xasillinta deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta, hirgelinta doorashooyin ay shacabka Soomaaliyeed ku doortaan madaxda dalka, iyo arrimaha bini’aadanimada.

Kulanka waxaa lagu soo qaaday khilaafka doeladda dhexe iyo Jubaland, iyadoo madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe ui dhawaan isaga tagay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, xili wali aan lasoo xirin.

Swan ayaa isna maalin kahor Kismaayo u tagay sidii Axmed Madoobe shirka loogu soo celin, walow dadaalkaasi aanu mira dhalin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More