Xamze iyo Xasan oo sanad xafiiska wada joogay khikaaf la’aan iyo xasilooni
Jun. 15 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre ayaa maanta u buuxsantay hal sano kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh oo saaxibo qadiimi ahaayeen uu magacaabay 15 June 2022.
Muddo sanad ayay ku dhameysteen khilaaf la’aan iyo xasillooni Siyaasadeed, waana tan uu Madaxweyne Xasan Sheekh doorbiday, marka loo barbar dhigo muddo xileedkiisii hore in labadii Ra’iisul Wasaare u horreeyay ee uu magacaabay ay ay isku dhaceen sanad inta aanu dhammaan, taasoo keentay in labadii sano ee u horreeyay uu Xafiiska joogay inuu labo Ra’iisul Wasaare soo magacaabay.
Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse waxaa diiwaanka u galay illaa tobaneeyo hindise sharciyeedyo muddo sanad gudahood ku meel marisay, hannaanka deyn cafinta oo ay sii dhaqaajisay, dagaalka Shabaab oo muddo lix bilood gudahood lagu qabtay illaa 70 deegaan dhulka deexda ahna la gaaray illaa Xarardheere.
Ammaanka Muqdisho oo ka duwan sidii hore, is bedel la taaban karo ay dareemeen dadka ku nool xaafadaha amni darada darteed dadka ay xaroon jireen xilliga casir liiqii.