Xasan Sheekh iyo Afwerki oo ka wada hadlay iskaashiga dhinaca amniga ee gobolka

Sep 03 (Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki oo kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka.

Madaxweyne Xasan iyo Afwerki ayaa dhinaca kale xoojiyey ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sare u qaadida danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More