Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo kulan gaar ah ku yeeshay dalka Qatar

Mar. 07 (Jowhar.com)-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula kulmay magaalada Doha Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dhowaan dowladda Qatar ay dib u dejin ugu sameysay dalkeeda.

Madaxweyne Xasan ayaa uga warbixiyay Farmaajo xaalada dalka, dagaalada iyo howlgalada xoreynta ee ka socda dalka oo deegaano fara badan looga saaray Al-Shabaab.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda F Soomaaliyeed ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore ee dalka, dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo.

Waa kulankii u horreeyay oo fool ka fool isku arkaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne hore Farmaajo, kaddib markii uu Farmaajo xilka ku wareejiyay bishii May 2022” ayaa lagu yiri qoraal madaxtooyada ay kaga hadashay kulanka.

Waa kulankii u horreeyay oo fool ka fool isku arkaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne hore Farmaajo, kaddib markii uu Farmaajo xilka ku wareejiyay bishii May 2022.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More