Xasan Sheekh iyo Geelle oo ka wada hadlay xiisada gobolka

Dec 29  ( Jowhar) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne oo ay wehelinayaan Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Labada dowladood ayaa ka wada hadlay xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Jabuuti, xaaladda Gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Labada dal.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya, isagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Soomaaliya maanta ay soo gaartay dhammaadka howlgalkii  Nabad Ilaalinta Soomaaliya (ATMIS), haatanna uu bilaaban doono howgal kumeel gaar ah oo muddo kooban socon doona (AUSOM), qorshuhuna uu yahay in dhawaan ay si buuxda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay u garab taagan yihiin dalkeenna, waxa uuna adkeeyey muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More