Xasan Sheekh iyo Isaias Afwerki oo wahadal gaar ah ku yeeshay Asmara

Oct 09 (Jowhar)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho qaadan doonta labo cisho, iyadoo safarkan uu yahay kii 7aad oo dalkaas ku tago tan iyo 15 May 2022, markii dib loo doortay.

Safarkan ayaa ka duwan safaradii hore oo Madaxweynuhu inta badan aanay wax mas’uul sare aanu ku wehlin jirin, waxaase safarkan ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Asmara International Airport waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Eritrea, Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan dowladda Eritrea.

Booqashada Madaxweynaha ayaa ku saleysan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iskaashiga dhaqaale, amni iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More