Xasan Sheekh iyo Lafta-gareen oo kulan albaabada u xiran yahay uga socdo Muqdisho

Oct 02 (Jowhar)Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdi casiis Xasan Naxamed Lafta-gareen oo barqadii maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah xarunta madaxtooyada kula leh madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo ah mid ay albaabada u xiran yihiin aya waxaa dalbaday madaxweyne Xasan, iyadoo looga wada hadlayo sidii labada mas’uul ay xal ugu heli lahaayee  khilaafka Villada iyi Koofur Galbeed oo laga cabsi qabo inhu caqabad ku noqdo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmaha soo socdo furmaya.

Waxa ay sidoo kale isla faaqidayaan qodobada ay tahay in shirka diirada lagu saaro, si uu mira dhal u noqdo maasaama beesha caalamka ay il gaara ku heyso.

Sida xogaha la helayo ay tilmaamayaan, madaxweyne Xasan ayaa min halsano oo mudo kororsu ah siiyay madaxda Afarta maamul goboleed ee dowladda dhexe shirka la leh, waxaana lagu qanciyay in sanada danbe ee 2025 dhamaadkiisa ay wada qabtaan doorashooyin.

Madaxweyne Xasan ayaa isaguna doonaya inuu arrintaasi ku sarifto in maamulada ay dowladda dhexe uga danbeeyaan soo xulida guddiga doorashooyinka madaxtinimo ee Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More