Xasan Sheekh oo kormeeray xeryaha ciidamadda DANAB ee Kismaayo
Mar. 04 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa booqasho ugu tagay Ciidamada Sida gaarka ah u tababar ee Danab gaar ahaan Ururka shanaad ee saldhigoodu yahay Jubaland.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyay Ciidamada Danab Sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin xoraynta dalka iyagoo naftooda u huraya sidii dalkeenu uu cagahiisa iskugu taagi lahaa.
Madaxweynaha ayaa ciidamadda faray iney isu diyaariyaan sidiu guud ahaan deegaanada Jubaland looga saari lahaa kooxda Al-Shabab oo deegaano badan ay ka joogto.
Si kastaba, Ciidamada Kala duwan ee Jubaland iyo Kuwa xooga dalka ayaa deegaanada kala duwan ee Jubaland ka wada howlgalo lagu cirib tirayo kooxaha Argagixisada ah kuwaas oo ilaa hada laga gaaray natiijooyin wax ku ool ah.