Xasan Sheekh oo la kulmay Guddiga Waalidiinta Ciidanka lagu soo tababaray Ereteriya

Jan. 27 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-warran ah la qaatay guddiga waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka ku qaatay Dalka Ereteriya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidanka inta maqan ay dalka dib ugu soo laabanayaan, isla marka ay soo dhameystaan tababarooda si ay u gutaan waajibka qaran ee sida geesinnimada leh iyo dal-jacaylka ay u qaadeen.

Madaxweynaha ayaa waalidiinta u xaqiijiyay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ay dib ula midoobaan ubadkooda, islamarkaana ciidamadu ay helaan waqti ay la qaataan qoysaskooda iyo ehelkooda.

Dhankooda, waalidka uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu u fuliyay balanqaadkiisii.

Qaar ka mid ah ciidamada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ayaa dalka dib loogu soo celiyay hase ahaatee waxaa weli ku maqan dalka Eritrea ciidamo badan oo halkaas tababar u joogta. Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisay inay dalka dib ugu soo celineyso ciidamada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More