Xasan Sheekh oo la kulmay madaxweyne kuxigeenada Jubaland iyo Galmudug

Sep 02 (Jowhar)-Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid oo uu Weheliye Madaxweyne ku Xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Adan Iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada  Labada Aqal ee Barlamanka Fadraalka Somalia ayaa kulan la qatay Madaxweynaha JFS Mudane Dr Hassan Shiekh Maxamuud.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlay Xaalada guud ee Dalka ,Arimaha Dastuurka ,Doorashoyinka iyo  la dagaalanka  Argagixisada .

Dhanka kale Madaxweyne JFS Mudane Dr Hassan Shiekh Maxamuud ayaa Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland ku amanay horumarka ay ka sameeyeen Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo Dowlad dhiska.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More